Jaamacadda Puntland University waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda ka qalinjebisey dugsiyadda sare in Jaamacaddu Qaadanayso arday cusub Sanad waxbarasheedka 2010/2011
Garowe, Somalia Taariikhda: 01/09/2009 OGEYSIIS Jaamacadda Puntland State University waxay ku wargelinaysaa dhamaan ardayda ka qalinjabisay dugsiyada sare in Jaamacaddu qaadanayso arday cusub Sanad waxbarashadeedka 2009/2010 Ardayda waxaa loo qaadan doonaa Kuliyadaha kala ah:
1- Kuliyadda Maamulka iyo Maareeynta (Faculty of Business Administration) 2 - Kuliyadda Maamulka Dawladaha(Faculty of Public Administration) Kuliyadda Sharciyada (Faculty of Law) Kuliyadda Dhaqaalaha (Faculty of Economics) Shuruudaha ardayda la qaadanayo looga baahan yahay waxa weeye sidatan: Waa in uu dugsiga sare dhamaystay kunabaasay imtixaanka dugsiga sare Waa in uu la yimaada shahaadadda dugsiga sare oo asalkii ah (Original) soona raaciyaa laba sawir. Waa in uu bixiyaa $20(labaatan doolar) oo ah Khidmada Diiwaangelinta (Registration Fee) oo aan dib loogu celin doonin.
Waa in uu qaataa Foormka Ogolaanshaha(Adminsion Form) soona buuxiya inta isqoristu socoto. waxaa laga qaadanayaa Xafiiska Diiwaanhayaha Jaamacadda(Registry Office) Jadwalka Jaamacadda ee Arday Qaadashada waa: Isqoristu waxay bilaanaysaa 01/09/2009 ilaa 23/09/2009(Insha Alaah) Imtixaanka Gelitaanka(Entrance Exam) waxaa loo fariisanayaa 25/09/2009 saacaddu markay tahay 8:00 A.M (insha alaah) Natiijada Imtixaaka waxaa la soo dhejindoonaa 27/09/2009(Insha Alaah) F.G. Kuliyadda Sharciyada waxey deeq waxbarasho siineysaa Gabdhaha danyarta ah, Ciidanka Biliiska, Ciidanka Asluubta, Shaqaalaha Maxkamadaha iyo Baarlamaanka. Waxey dhamaan deeqda waxbarasho ku xirnaan doontaa buuxinta shuruudaha aqbalaada ee Jaamacadda. Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir: Ugaas Cusmaan XasanDiiwaanhayaha JaamacaddaTell: 252-090-741889, Email:
This email address is being protected from spam bots, you need Javascript enabled to view it
|