| Xaflad ka dhacday mennesota |
|
Minnesota oo Xaflad Weyn Loogu Sameeyey Puntland State University Xaflad si qurux badan looga soo shaqeeyey ayaa ka dhacday badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota. Xafladaas oo ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qaadilahaa tayada jaamacada, ku xidhid jaamacadaha Minnesota, hordhac dhaqaalo ururin, iyo daraasad ku saabsan talooyin. Xafladan ayaa waxa lagu soo bandhigay bilowgii jaamacada iyo halka ay maanta mareyso jaamacada, oo runtii dadka degan Minnesota ay aad ula dhaceen horumarka jaamacada. Shirkan ayaa waxa xidig (keynote Speaker) ka ahaa madaxweynaha Jaamacada Mudane Maxamuud Sheekh Xaamud, oo runtii warbixin cajiib ah soo bandhigay. Intii u socday shirka ayaa halkaas waxa ka hadlay mas’uuliyiin badan oo isugu jirey aqoonyhano iyo madax ka soo kala jeedey jaamacadaha Minnesota ku yaala. Xafladan ayaa waxa lagu soo gabagabeeyey talo ururin ku saabsanayd marxaladaha hortaagan jaamacada iyo habka ugu fudud ee jaamacadu uga bixi karto dhibaatada hortaala. Aqoonayhanada degan gobalka Minnesota ayaa waxa dood dheer ka yeesheen sidii kor loogu qaadi lahaa jaamacada Puntland State University, loogana hor tegi lahaa dhibaatooyinka soo wajaha jaamcada. Xafladan oo hordhac u ahayd xaflad weyn oo deeq ururin ah, kana dhici doonta hoteelka weyn ee Ramada Plaza kuna yaala badhtamaha magaalada Minneapolis bisha Oktoober sedexdeeda. Xafldaas ayaa waxa la rajaynayaa in ay jaamacada uga soo xarooto lacag badan oo la filayo in ay waxweyn u tari doonto jaamacada. Daawo Sawiradii laga soo qaaday Jaamacada iyo Puntland 2006: http://www.youtube.com/watch?v=ppsQNO9p92Q |
